Dib uhabaynta qadiyada wadaninimo iyo dastuurka : dhisida itoobiya loo simanyahay

Home Forums Madasha Dhalinyarada Dib uhabaynta qadiyada wadaninimo iyo dastuurka : dhisida itoobiya loo simanyahay

  • This topic is empty.
Viewing 0 reply threads
  • Author
    Posts
    • #3466 Reply

      Qore: Edossa Degefe Guta

      Xukuumaddii uu xooga ku soo dhisay  boqor menelik gii labaad taariikhdu markay ahayd 1889 – 1913 ayaa waxay abuurtay caqabadaha ilaa maanta hortaagan in lahelo Itoobiya qoomiyadaheeda kala duwani u simanyihiin. Maqaalka ay qortay gabadha lagu magacaabo Bitsiet Alemu ee ciwaan kiisu yahay “ yaa Itoobiya leh” qaybo kamida waan ku taageersanahay gaar ahaan doodeeda odhanaysa “ si xun u maamulida qoomiyadaha ayaa waxay noqotay seefta khilaafaadka siyaasadeed ee abuurtay su’aalaha ay qoomiyaduhu isku diidan yihiin kuwaas oo jawaabahoodu ay salka ku hayaan qaabdhismeedka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee dawladda”. Waxa kaloo aan ku raacsanahay doodeeda ay ku sheegayso in caqabadaha taagan xalkoodu uu noqonayo in la aqbalo xaqiiqada ku qotonta in Itoobiya ay tahay dawlad qoomiyado kaladuwan ka kooban “  hadii aynaan xaqiiqada aqbalin horumar ma gaadhi karno, taariikhdii hore ee wadankuna maaha mid dhiirigelinaysa kala duwanaashaha qoomiyadaha”.

      Nuxurka hadalkaygu wuxuu ku qotomaa inaan tooshka ku ifiyo qodobadan soo socda oo ay leedahay Bitsiet. Marka koobaad, inkasta oo dulucda mawduuceenu ahayd xukuumadii uu dhisay boqor menelik gii labaad (1889 – 1913), si fiican u mayna faalayn. Dhulbalaadhsigii dhinaca koonfureed ee boqortooyadii menelik gii labaad waxay la kulantay iska caabin maadaama ay ahayd mid xoog adeegsanaysay taas oo xiligii danbe ee boqor Xayle salaasihii kowaad (1930 – 1974) isubadashay baahi looqabay madaxbanaani qaran taas oo ka timid kooxihii lacadaadinjiray, noqotayna su’aal qaran. Lahaanshihii waxaa dhaawacday cadaalad daradii hore. Waa in dib u eegis lagu sameeyo cadaalad daradii hore usoo jirtay. Si xal waara loo gaadho waxaa loo bahanyahay in sicilmiyaysan loo baadho dhamaan qoomiyadaha iyo cabashooyinkooda.  Dadka cilmi baadhista samaynayaana waa inay noqdaan kuwo ka kooban qoomiyadaha kala duwan ee dalka si eex looga fogaado. Tani waa baahi loo qabo in dib loo saxo cadaalad daradii soo jirtay taas oo xadiday/gaaryeeshay lahaanshaha Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee Bitsiet waxay si qotodheer u eegtay taariikdan soo jireenka ah laakiin waxay si indho la’aana u eedaysay nidaamka qoomiyadaha ku salaysan iyada oo cuskanaysa khilaafka qoomiyadaha u dheexeeya. Lakiin waa in la kala saaro faa’iidada uu leeyahay nidaamka fadaraaliisamku iyo goldaloolooyinka ay keentay maamul xumadii EPRDF.

      Qoraalkeeda Bitsiet waxa ay kusoo qaadatay labo qoraa oo keliya kuwaas oo kamida qoraayo badan oo wax ka qoray sida ugu haboon ee loo maamuli karo qoomiyadaha kala duwan. Labada qoraa ee ay soo qaadatayna waxay kala ahaayeen Wallelign Mekonen iyo Ibssa Gutema. Tusaale ahaan waxay ahayd in la soo qaato doodii Asafa Jalata taas oo ku qotontay in madax banaanida Oromiya ay ahayd mid lagaga xoroobayay gumaysiga sidii Eleteriya. Maadaama ayna jirin wado kale oo xal lagu helayay oo aan ahayn madax banaani.

      Marara Gudina ayaa isaguna dhankiisa wuxuu ku doodayay inay iska hor imanayso fikirka ah in dimuquraadiyad la helo dalkana hal meel loogataliyo iyada oo la gacan bidixaynayo dadkii u badnaa wadanka. Wuxuu aad usoo dhaweeyay in laga runsheego hadaf midaysana laga qaato midnimada ku salaysan kala duwanaashaha si loo helo Itoobiya dimoqaraadiyad ku dhisan. Argtida marara waa mid u muuqata dhexdhexaad.

      Hadii ay jiraan shuruudo la isaga baahan yahay si loo noqdo Itoobiyaan sida ay dadka qaarkood ku andacoonayaan waa in la isu cadeeyaa. Su’aasha Ibssa ee ah “ yaa Itoobiyaana”  waa inaan loo arag mid tilmaamaysa in Itoobiyanimada iyo qoomiyaduhu ayna wada jiri Karin laakiin waa in loo arko in iyadoo qoomiyado la yahay hadana Itoobiyaan la ahaan karo. Taas waxay sahlaysaa in iyadoo la kala aragti duwan yahay la wada noo laado waxayna yaraynsaa kala fogaanshaha iyo khilaafaadka.

      Waxaa xaqiiqa ah in kala duwanaanshaha qoomiyadaha la siyaasadeeyay ka dibna ay timiday sad bursi iyo isku xoog sheegasho loo adeegsaday awooda siyaaadeed, iyo mida milatari gaadhayna halkii ugu saraysay. Si kastaba ha ahaatee maaha inaynu isticmaalno erayga xagjir innagoo isku dayayna inaynu xalino caqabadaha taagan ee Itoobiya. Isticmaalka magacyada xun-xun ee loogu yeedhayo qoomiyadaha iyo cidhiidhi gellinta dadka aan waxbaran waxay sababikaraan in aan la gaadhin xal waara. Waa inaan isticmaalo erayo dhayaya boogaha laakiin maaha inaan isticmaalno kuwo kala fogaynaya qoomiyadaha.

      Inkastoo  Bitsiet ay soo dhigtay su’aasha dhulka oo ah waxa ugu wayn ee khilaafku ka dhasho Itoobiya gudaheeda inana tusinaysa in ay qoomiyaduhu u baahan yihiin inay yeeshaan dhul. Mayna sifiican uga hadlin baahida loo qabo in doodo laga yeesho  mawduuca ku saabsan arimaha dhulka iyo lahaanshihiisa.

      Sida ay Bitsiet carrabka ku adkaysay waa in lahelo aragti dimoqoraadiyadeed oo aynu inagu leenahay si loo dhiso xukuumad lagu kalsoonyahay taas oo dhamaan ay qoomiyaduhu si siman uga qayb qaataan arimaha dawladda. Tani maaha mid fudud laakiin waxay u baahan tahay xulashada macadyo aynu inagu leenahay oo la isku raacsan yahay. Sidoo kale waxaan ka soo horjeedaa doodeeda ku aadan in guulihii taariikhiga ahaa sida tii Adwa loo isticmaalo si gaara marka ay jiraan isku dhacyo gudaha ah. Taa badalkeeda waa in loo isticmaalo marka ay jiraan isku dhacyo dibada ah.

      Yaa Itoobiya leh su’aasha odhanaysaa waxay ku keentay muwaadiniinta  kale inay faquuq dareemaan sidaa darteed waa muhiim in la ogaado baahida loo qabo in dastuuka wax lagabadalo taas oo  saldhig u ah tabashooyinka iyo hormarinta siyaasadeed ee loo baahan yahay.  Dastuurka waa in laga dhigo mid saxa oo ka jawaabaya baahiyaha hada taagan iyo kuwa soo socdaba. Tani waxaa lagu lasmayn karaa in wax laga badalo waxna lagu soo daro dastuurka laguna saleeyo rabitaanka shacabka. Dhamaan dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshada waxaa lagu qiimayay laguna falan qeeyay aragtida gaaban ee ku salaysan siyaasada qowmiga ah.  Nidaamka is faquuqa ee ku salaysan “anaga” iyo “iyaga” keliya waxaa lagu xalin karaa fikir midaysan ama wada xaajood. Waxaa lagama maarmaan ah dood balaadhan oo ay ka qayb galaan siyaasiyiinta, ururada aan dawliga hayn iyo ururada bulshada, jabhadaha, aqoonyahanada, iyo saxaafadda si loo helo aragti taaba gala oo ay ku qanacsan yihiin dhamaan bulshada taas oo ku qotonta dimoqaraadiyad heersare ah.  Waa in fahan midaysan laga qaato saraynta sharciga iyo laahaansha dastuurka mustaqbalka iyo wax kabadalkiisaba. Marxaladaha adag ee wakhtiga iyo la tashiga matalayaasha gacan ku samayska ah waa in laga fogaado. Xasiloonidu waxay muuhiim u tahay daganaanshaha wadanka sidaa darteed waa inaan dastuurka loo samaynin xalka dhibaatooyinka siyaasadeed ee markaa taagan. Waa inuu noqdo mid ku suntan cadcadaan iyo sinaan. Waxaan soo jeedinanaa in isbedel lagu sameeyo dastuurka kaas oo loo dhanyahay lana wargeliyo dadwaynaha waxyaabaha laga badalayo.

      Xisbiyada is khilaafsan ee Itoobiya ka jiraa waa inay ka soo baxaan dhufaysyada eegaana sawirka guud dibna u jaleecaan kaalintooda iyo argtidooda . waa inay joojiyaan ololaha ka dhanka ah ee ay ku abuurayaan khilaadka si ay u gaadhaan ujeedadooda siyaasadeed ,  waa inay ogaadaan in xalku uu ku jiro wada hadal. Marxalada Itoobiya ay ku jirto dhamaan xisbiyadu waa inay ka gudbaan aragtida dagaal ee ah “dhib iyo dheefba anagaa leh” taas oo aan ahayn mid waaraysa. Maadaama heshiis aan daacad laga ahayn aan natiijo fiican laga gaadhayn waa in dhamaan xisbiyadu ay sameeyaan balanqaad. Sidaadarteed, si loo abuuro jawi ku haboon wada hadal waa in dhinacyada is khilaafsani mudnaanta siiyaan nidaamka iyo luuqada ay isku fahmayaan.

      Waxaan soo jeedin lahaa in wada hadal qarran lafuro ka hor intaan dastuurka wax laga badalin. Waxaan ahmiyada siinaynaa dhisme lawada leeyahay. Wax kabadalka dastuurku waa mid ku haboon marxaladda Itoobiya. Go’ itaankii Scottish ka iyo South Sudan waxay ka dhasheen jiritaan la’aanta madal loo dhan yahay. Taas waa sababta aan usoo jeedinayo inaynu u baahanay wadajir. Wax kabadalka qodabada dastuurku waa mid ubaahan in loo wajaho si cilmiyaysan kadib markii dhamaan bulshadu ay isku raacdo baahida loo qabo. Qodaba badan oo kamida dastuurka fadaraalka Itoobiya waxay sheegayaan in wax walba uu go’ aamiyo sharcigu. Tani waxay ina tusinaysaa baahida loo qabo in aqoonyahanku ka qayb qaato wax kabadalka dastuurka. Gudidii doorashada ee dhawaan ay aasaaseen dawladda deegaanka Tigraygu waxay u baahan tahay in aqoonyahanku ay ka doodaan si xal loogu helo.

      Nidaamka dhaadhicinta maamulka  iyo dimuqaraadiyada taasoo horseedaysa in dib loo eego loona dheeli tiro xagal daacyadii hore usoo jiray waa in sifiican loo sii wado. Nidaamka guud ee maamulka ayaa wuxuu u baahan yahay in dib loo eego. Waa in la sameeyo awood qaybsi saxa kaas oo deegaanada u madax banaynaya in ay go’aan kagaadhaan arimahooda masiiriga ah. Aragtiyaha qaba in hormarka Itoobiya ka jira aan loo sinanayn ee ay qabaan kooxo aragti ahaan midaysan ayaa iyaguna u baahan in xal loo helo.

      Nidaamka kala saraynta ku dhisan ee Itoobiya waa in la saxo. Waa in laga tanaasulo dhaqanka qaldan ee fogaynaya dadka qaarkood sida xoolo dhaqatada iyo beeralayda qaarkeed. Ugu danbayn si loo dhiso Itoobiya aynu wada leenahay waxaa muhiima in dhamaan qaybaha kala duwan ee ku lug leh sida dawladda, jabhadaha, ururada bulshada, ururada siyaasadda, hay’adaha aan dawliga ahayn, shaqsiyaadka saamaynta ku leh bulshada dhexdeeda, hogaamiye diimeedyada iyo dhamaanba cidkasta oo kaalin ku leh waa inay daacad ka ahaato kana qayb qaadato dhisitaanka dawlad loo simanyahay.

Viewing 0 reply threads
Reply To: Dib uhabaynta qadiyada wadaninimo iyo dastuurka : dhisida itoobiya loo simanyahay
Your information: