Difaacida cilmaaninimada

Home Forums Madasha Dhalinyarada Difaacida cilmaaninimada

  • This topic is empty.
Viewing 0 reply threads
  • Author
    Posts
    • #3589 Reply

      Qore: Mihret Samson*

      Waxaa hubaal ah in diintu ay ahayd mid lasoo bilaabantay nolosha aadamaha taas oo saamayn kuleh nolosha bulshada. Hadaba, Itoobiya oo kamida wadamada diintu saamaynta wayn ku leedahay ayaa waxa ilaa hada laga arkaa in diintu ay saamayn kuleedahay nolosha bulshada Itoobiyaanka ah. Kaalinta ay diintu kuleedahay bulshada iyo dhismaha siyaasadeed ayaa wuxuu u muuqdaa mid ka duwan kana adag sidii ay hore u ahaan jirtay.

      Inkastoo uu casrigu hoos udhigay saamayntii diinta hadana dhacdooyinka haddu waxay ina tusi nayaan inay dib usoo noolaatay. Sikastaba ha ahaatee soo noqoshadeedu mayna ahayn mid loobogay. Cidkasta oo u kuurgasha ciyaarta ka dhex socota diinta iyo siyaasada waxay arkasaa khatarta soo cusboonaatay taas oo meesha ka saaraysa qodobkii kala madax banaanida dawlda iyo diinta. Aragtida ku aadan kala madax banaanida diinta iyo siyaasada waa mid salka ku ahaysa nidaamka casriga ee ku dhisan fahanka iyo aqoonta nidaamka cilmaanigu waa mabda kala saaraya xukuumada iyo diimaha, waa aragti aaminsan in ruux walba diinta uu rabo uu raaco ama bilaa diin uu ahaan karo. Waxay fartaa dawlada inay dhexdhexaad ka noqoto diimaha waxayna kareebtaa inay farageliso arimaha diimaha hadii nabada iyo amniga aan lawaxyeelayn. Qodobka sedexaad waa nidaamka cilmaani nimadu kama dhigna in guud ahaanba haayadaha diimaha loo diido inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyada ay rabaan. Tani waxay keeni kartaa in dadka qaar kood ay u arkaan in xuquuqdoodii meel lagaga dhacay laakiin waxaa loo ilaaliyay xuquuqdoodii nabadgelyo, tii hantiyeed iyo  mid caafimaadba. Cilmaani nimada macnaheedu waxa weeyaan in ay diintu ka madax banaanaato siyaasada dhaqaalaha, arimaha bulshada dhaqanka. Waxay horseedaa madax banaani iyo dulqaad waxayna fursado siisaa dhamaan diimaha iyo dadka rumaysanba. Sida mabda’an uu leeyahay diintu waa marxalad shaqsiyan ah.

      Sikastaba ha ahaatee waxaa jira marxalado ay diinta iyo dawladu u midoobikaraan. Ta koobaad waa midnimo siyaasadeed taas macnaheedu waa marka nidaamka sharcidajinta ay sameeyaan hay’adaha diiniga ah ama ay yihiin kuwo lagasoo qaadanayo sharciga dastuuriga ah. Marxalada labaad waa midawga macadyada oo macnaheedu yahay marka hay’adaha diintu ay yihiin kuwo dawladana iyagu maamulaya.

      Marxalada sedexaad waa midawga falsafada kaas oo macnaheedu yahay marka ay isku hadaf u aasaasanyihiin xukuumada iyo hay’adaha diintu. Taa badal keeda kala madax banaanidoodana labadan qaab ayaa loo sharixi karaa. Midi waa in xidhiidh laba geesood ahi uu ka dhexeeyo midbana midka kale uu tixgeliyo wixii horumarana ay kawada shaqeeyaan iyada oo aan midna xuduudiisa soo gudbayn. Midka kalena waa mid aykala fogyihiin kaas oo ay dawladu marwalba ka shaki qabto dhaqdhaqaaqyada diinta. Marka marxaladan loo fiiriyo tani waxay ina tusisaa in ay dawladu cadaw ku tahay diinta marka ay dawladu rumaysantahay in haaydaha diintu ay ilaaliyaan xuquuqda madaxbanaanida shaqsiyaadka. Marka ay xukuumadu aaminsan tahay in haa’yadaha diintu ay halis ku yihiin madaxbanaanida shaqsiyaadka iyo xornimadooda waxay cadaadiyaan diinta. Tusaale tani waxay ka dhacday faransiiska iyo biljamka.

      Cilmaaninimada Itoobiya

      Itoobiya waxay kamid tahay wadamada diimaha kala duwan lagaga dhaqmo. Soo ifbixitaanka macnaha cilmaaniga ee Itoobiya waa midcusub. Xiligii boqortooyada in kastoo ay sheeganayeen sinaanta diimaha hadana kiristaanka, ortodhogoska ayaa kasaraysay dhamaan diimaha kale. Xiliyadii hore diinta waxaa loo isticmaali jiray hub ahaan si loo xaka meeyo awooda dadka.

      Qaybo badan oo xilal haya ayaa waxay isku dayeen inay ku doodaan dood difaacitaan iyagoo ku andacoonaya in lagu doortay sareyntooda. Dawladda iyo diintu may kala madax banaanayn. Markii ay dhacday dawladdii boqortooyada ahayd ee ay dhalatay dawladdii hanti-wadaaga ee dhargigu 1974, ayaa waxaa isbadalay miiskii siyaasada. Dhargidu waxay bilaabeen madax banaanida diimaha iyo sinaantooda, waxayna isku dayeen inay kala madax baneeyaan dawladda iyo diimaha. Xaqiiqada markii laga hadlo dawladdii dhargiga oo aaminsanayd fikirka ah inaan waxba la caabudin, waxay ilaalisay madax banaanida iyo sinaanta diinta. Tani waxay sababtay in laga hortaga wax diin la xidhiidha iyadoo lasoo ban dhigayo nacayb ka dhan ah oo ku aadan diimaha. Kadib markii xukunkii dhargigu uu dhacay waxaa la damaanad qaaday sinaanta iyo xoriyadda diimaha iyadoo lagu qeexay dastuurkii 1995 tii la qoray ee jamhuuriyadda dimuqraadiga fadaraalka ah ee Itoobiya. Waxaa kale oo dastuurka qayb ka ahaa kala madax banaanida diimaha iyo dawladda oo lagu caddeeyey qodabka 11 kaas oo sheegaya in ay kala madax banaanyihiin diimaha iyo dawladdu. Marxaladdan dawladda iyo diintu wax faragalin ah iskuma laha taasna waxay ka dhigantahay  inayna isku iman labadoodu oo aan hal meel looga wada talin.

      Dhaawaca Midnida

      Ma aha wax laqarinayo in ay diintu noqotay kala qaybiyaha siyaasadeed ee Itoobiya. Waxay kala qaybinaysaa xataa dad hal bulsho kasoo wada jeeda kuwaas oo ku kala qaybsamay kuna kala fogaaday oo uu khilaaf ka dhex abuurmay nidaam diineed. Maadaama dadka badankiisu ay caabudaan diimo, waxay ka hor mariyaan awaamiirta siyaasadeed diinta ay haystaan. Dhibaatooyinka hadda ka jira Itoobiya waxay ina tusinayaan ku dhaqan la’aan ama six un u isticmaalka nidaamka cilmaaniga. Waqtiga soo socda waxaan soo bandhigi doonaa dhibaatooyinka aan arkay ee kasoo horjeeda mabda’a cilmaaninimada kuwaas oo igu kalifay inaan idhaahdho waa la khalad fahmay ama waa la iska indha tiray. Kuwan waxaan ka xusi karaa in shaki badani uu ka jiro inay jiraan kooxo diimeedyo ka dhex muuqda xisbiyadda siyaasadda, tusaale ahaan xisbiga hooyo, and xisbiga sinaanta iyo madaxbanaanida. Dadka qaarna waxay ku andacoonayaan in mabda’an barwaaqo laga soo dhiraan dhiriyey diinta barootistanti kiristiyaanka iyadoo la farayo dadka aaminsan inay si adag u dareemaan una muujiyaan waxa ayrabaan si ay u helaan. Xisbigu wuxuu dadka Itoobiyaanka ah ka dhaadhiciyey in la barwaaqoobayo iyagoo iska indha tiray dhibaatooyinka muuqda sababahaa iyo kuwa kaleba iyagoo soo qaadanaya ayay dadku ku doodayaan in xisbigu uu diin salka ku hayo. Si kastaba ha ahaatee xisbina muu cadaysan xidhiidhkiisa  diimeed iy saameynta ay diintu ku leedahay. Sidaa daraadeed ma cadda siyaasadaynta diinta.

      Kooxo diimeedyada  kale ayaa waxay ku dacwoonayaan ama ay tirsnayaan inay jirto sinaan la’aan iyo gacan bidixayn marka loo  diinta Islaamka iyo tan Ortodhogaska. Qodobka ugu weyni waa siinta dhulka ee diimaha si ay uga dhistaan macbad. Is qabqabsiga ugu badani wuxuu ka dhacay xiligii la dhisayey masaajidada Aksum. Gobalada kale qaar, oo ay ugu badanyihiin kuwa ay barotistantigu ku xoog badan yihiin ayaa waxaa dhacda inay raadiyaan in loosoo celiyo hantidii ay xukuumaddii hore ka qaaday. Qaybaha ay khusayso waxay doodooda kusheegeen in ay dawladdu tahay mid jilicsan taasina ay keentay in ayna jawaab u helin cabashadoodii. Dhinaca kale kaniisadda Ortodhogaska ayaa iyaduna dulmi tirsanaysa maadaama qayb hantidii ay haysatay ka mid ah laga qaaday si mag dhaw loogaga dhigo kuwii cabanayey. Arrinta kale ee dhulka la xidhiidha waa burburinta dhismayaashii qadiimiga ahaa ee diimaha kuwaas oo ku yaalay goobaha qaar. Tusaale ahaan Masaajidkii Al-Nejashi waxa soo gaadhay dhaawac xiligii lagu guda jiray hawl galkii ay dawladda dhexe ku qaaday Gobalka Tigray ee ay ugu magac dartay hawlgalka fulinta sharciga. Waxa kale oo intaa dheer in meelo kale oo dalka ka mid ah lagu gubay kaniisado. Falalka noocan ahi waxay saamayn xun ku leeyahiin amniga iyo xasiloonida bulshada iyo mida wadanka marka laga yimaaddo saamaynta siyaasadeed.

      Kuwan iyo qaar kale oo aanaan halkan ku sheegin ayaa ka mid ah dhibaatooyinka maalinlaha ah ee jira. Dadka qaar waxay aaminsanyihiin in dhibaatooyinkani ay u dhaacaan nidaamka cilmaaniga ah dartii. Si kastaba ha ahaa tee anigu aad ayaan uga soo hor jeedaa aragtidaas. Waxan qabaan in khilaafaadka jiraa anaay xidhiidh la lahayn mabda’a cilmaaniga. Dhibaatooyinka aan kor kusoo xusnay waxay ina tusinayaan in aanay dadku fahmin mabda’a cilmaaniga maadaama kooxaha diimuhu ay isku dayayaan in midba midka kale hadheeyo ama waxaan odhan karaan in dadka badankii ayna aqbalin fikrada cilmaaninimada maadaama aan si ficil ah loogu dhaqmin siddii loogu tala galay. Sidaa daraadeed in waxaan meesha oolin layska cambaareeyo, wax macna ah ma keenayso.

      Falaadhaha Ilayska ee jaho la’aanta ah

      Waxaan aaminsanahay nidaamka cilmaanigu inuu muhiim u yahay in lagu maamulo wadanadda sida Itoobiya ah ee dadyawga kala duwan ay ku nool yihiin. Waxaa hubaal ah nidaamka cilmaaninimadu in uu leeyahay dhinacyo liita laakiin anigu waxaan qabaa inuu yahay mid ka mid ah guulaha ugu muhiimsan ee uu gaadho waddan kasta oo dimuqraadi ah. Waxay muwaadiniinta u ogolaataa inay rumeeyaan waxa ay rabaan mana jiro wax xeer ah oo ay dawladdu sameyso kaas oo kasoo hor jeeda diimaha. Si kastaba ha ahaatee tani kama dhigna inayna dawladdu faragalin haddii ficiladda ay samaynayaani  ay carqalad ku noqdaan amniga iyo xasiloonidda. Ma aha uun dawladdu inay ilaaliso muwaadiniinta ee waa inay sidoo kale ka war hayso kooxaha wax yeelaynaya adeegyada bulshada iyo sharafkoodaba. Waa inay ilaaliso sinaanta diimaha kana hortagto caqabadkasta oo ka hor istaagi karta.

      Si kastaba ha ahaatee, kala xigsashada taariikhda dhaxalka ah waa inayna noqon wadada aynu ku qeexayno sinaanta. Waa inaynu ku qeexnaa ficilada dawlad ka fogaanaysa saamaynta diimeed, siinaysa fursad isku mid ah, iska ilaalinaysa inay taabato waxyaabaha lama taabtaanka aha ee ay diini leedahay, hubinaysana in muwaadiniintu ay si fiican uga warqabaan una ogyihiin in ay diimo badani jiraan. Waxaa nasiib daro ah iyadoo mabda’a cilmaaninimadu uu soo ifbaxay sanadkii 1970 tanadii, ay hadana Itoobiya cadaadis saarto hay’adaha diimaha iyo shaqsiyaadkaba mararka qaarna ay faragalin ku samayso oo ay shaqsiyaad diintooda kasaarto. Taa badelkeeda, hay’adaha diimuhu waa inaanay iyaguna faragalin arrimaha dawladda. Waxaan qabaa in mas’uuliyaddani kaliya aanay saarnayn dawladda ee ay inagana ina saaran tahay muwaadin ahaan. Si aynu sharciga u ilaalino waa inaynaan muhiimadda saarin wax yaabaha aynu ku kala  duwanahay ee aynu eegno waxyaabaha aynu ka simanahay. Haddii aan aan cilmaaninimada la hir galin waxaan aaminsanahay in xoriyadda diimeed, midda fikir, midda aragtiyeed iyo midda haddal ee muwaadiniinta meel lagaga dhacay. Haddii xuquuqahan lagu xad gudbo waxaa xadidmaya awoodda koritaan iyo midda maskaxeed ee bini’aadamka taasina waa arrin lid ku ah jiritaanka aadamaha. Waxa laga yaabaa in mabda’a cilmaaninimadu uu curdin ku yahay waddankeena, aqbalitaankiisa iyo ku dhaqankiisuna uusan wali gaadhin halkii la rabay. Si kastoo ay tahay faa’iidada uu u leeyahay dalalka inagoo kale ah lama soo koobi karo. Waxaynu u baahanahay inaynu xoojino.

      * Mihret Samson waxa ay jaamacadda Gondar ka barataa waxbarashada sharciga.

      Xusuus qorista Daabacaha: Wax ku biirintani waa qayb ka mid ah sheekooyin taxane ah oo uu CARD daabaco si uu u dhiirri galiyo la-hadalka garaadka ee dhalinyarada Itoobiya. Haddii aad rabto inaad wax ku darsato ama aad ka jawaabto qoraalkan gaarka ah, fadlan qabyadaada noogu soo dir info@cardeth.org.

Viewing 0 reply threads
Reply To: Difaacida cilmaaninimada
Your information: