Itoobiya: Xukuumad ku dhegan taariikh hore oo la buun-buuniyey

Home Forums Madasha Dhalinyarada Itoobiya: Xukuumad ku dhegan taariikh hore oo la buun-buuniyey

  • This topic is empty.
Viewing 0 reply threads
  • Author
    Posts
    • #3430 Reply

      Waxaa qoray Tsebaot Melaku

      Waxaa isu ekaaday dhacdooyinkii lasoo dhaafay, kuwa taagan iyo kuwa la rajaynayo mustaqbalka,kuwaas oo hab nololeedkeena dhamaantii ka dhigay mid hal meel ah uun taagan oon is bad badalin. Waxaana Meesha ka baxday dhamaan rajadii isfahanka haday tahay tu shaqsi iyo tu guudba umaduna waxay isku fahantaa ama u qeexa jiritaankeeda umadeed, waxyaabihii taarikhiga ahaa eeay ka dhaxleen awawyadoood. Sida hab nololeedkoodii, dhaqanadoodii, iyo siday isu maamulijireen isuna maamuusi jireen. Waxaa kale oo meesha kujirta sida ay umaduhu uga qayb qaateen dhul balaadhsigii gumaystaha, iyo doorkii qowmiyad kastaa ka qaadatay taariikhdii soo jireenka ahayd ee dalka.

      Waxaa adkaatay in la isku fahmo dhacdooyinkii hore, maxaa yeelay taariikhihii hore iyo sida loo soo xiganayo ayaa dhamaanteed ah mid aan loo sinayn taas oo dad gaar ahna ka qoslisa dhagahooduna aad ula dhacaan dhagaysigeeda halka qaar kalena ay cadho iyo ciil ku reebto. Waxay xaaladu faraha ka sii baxday kolkii ay bahda waxbarashadu ku guul daraysteen, qorida nuqul taariikh laga simanyahay ka kooban kaas oo ay qowmiyaduhu iska wada dhax arki karaan si loogu dhigo ardayda heerka koobaad ee wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee dalka sanadka koobaad. Taasina waxay cadayn u noqon kartaa in xataa aqoonyahanada taariikhda ee dalka la baray aadna looga dhaadhiciyey taariikh malo awaal ah dad gaar ahna u xayn daaban. Waayo haday inuun saxnaan lahayd waxay ka dhex muuqan lahayd koorsooyinka kale ee lagu soo daray manhajka jaamacada oo aanay hada ka dhex muuqanin.

      Lagasoo bilaabo 1960kii markii ururadii dhaq dhaqaaqa ardaydu ka bilaabmay guud ahaan dalka Itoobiya kuwaasoo ay soo abaabuleen kooxo u arkayey in la gacan bidixeeyey lagana sad badsaday, kana cabanayey taliskii Boqor Haile Salase ee xiligaas. Dabeecada nidaamka siyaasadeed ee Itoobiyada cusub ayaa umuuqday mid ay is garab boodayaan xoogagga Eretriya, Soomaalida, Oromada iyo Kuwa Axmaarada iyagoo sheegay inay isu kaalmaysanayaan dib u soo noolaynta madaxbanaanida iyo wada jirka degaanada dalka. Tanina waxay u muuqaal egtahay xiliyadii talisyadii hore dalku siduu ahaan jiray.

      Sida laga dheehan karo muuqaal aragtiyeedka siyaasadeed ee Itoobiyada cusub, waxaa jira laba aragtiyood oo kala duwan: mida koobaad waxay odhanaysaa waa la sinaan karaa lana wada noolaan karaaiyadoolakala af iyo dhaqan duwanyahay. Tan kalena waxay sheegaysaa in lakala sareeyo la isuna maamulo sida lookala awood badan yahay.

      Sanadkii 90sagaashameeyadii waxaa wadanka ka bilaabmay jahawareer siyaasadeed oo ka bilaabmay arinta odhanaysa taariikh noocee ah ayaa la soo bandhigi karaa lana kaydin karaa si taariikhda wadanka loo ilaaliyo waxaana saamayn ku yeeshay arimo taariikhiya oo la soodhaafay. Waxaa dhamaan afkoodda laga saaray taariikhihii hore ee dalka marka laga reebo wax yar oo Dana gaar ah laga leeyahay. Waxaana la buun buuniyey taariikhdii ugu danbaysay iyadoo laga bilaabayo 1991dii.

      Isla sanadkii 2018dii waxaa dib u bilaabmay muran siyaasadeed kale, kaas oo ahaa mid salka kuhaya arimo la xidhiidha taariikho hore, waxayna u muuqatay inay tahay mid lagu marin habaabinayo dadka.

      Mar waraysi lala yeeshay siyaasiga caanka ah ee qowmiyada Oromada Mudane Jawhar Maxamed Xiligaasi oo uu ka qayb galay caleemo saarkii Raysal wasaare Abiy Ahmed oo ka dhacayey goobta lagu magacaabo(goobada Menelik II). Jowhar waraysigaa,waxa uu yidhi: hadii aad aragto qof waynaynaya ama xusaya boqoradii hore ee Itoobiya sida Menelik, Haille Salase amaba raysal wasaarihii hore ee Melez, Zinawi qofkaasina waxa uu rabaa uun inuu wax kaga daydo ficiladoodii foosha xumaa ee ay dadka kula dhaqmi jireen mudooyinkii ay xilka soo hayeen. Wuxuuna intaa raaciyey raysal wasaare Abiy Ahmed inay hor taalo laba arimood oo kaliya waa tan koobaade, in duduub lagu qaato lana aqoonsado dhamaan taariikhaha lagu muransanyahayiyadoon cidna laga sugin runta sheegisteeda, noloshuna sideedii uun ahaato iyo in inta dhamaan la isla tuuro wixii hore nolosha iyo siyaasada dalkaba laga bilaabo beejcusub.

      Sannadku markuu ahaa 1991, bishii diseembar shanteedii, ayaa waxaa isusoo bax balaadhan ka sameeyay magaalada Addis Ababa, gaar ahaan goobta lagu magacaabo wareega Minilik II dad lagu qiyaasay kontan kun (50,000) oo qof kuwaas oo ay soo abaabuleen ururka dhaqdhaqaaqa xornimo doonka qoomiyadda Oramada. Mudaharaadayaashu waxay ku duubeen taaladda maro madaw waxayna rabeen inay dumiyaan taalada. Haseyeeshee disember 17 keedii waxaa mar kale isa soo uruursaday dad tiradooda lagu qiyaasay nus milyan, kuwaas oo soo abaabulay mudaharaad, ay kaga soo horjeedaan duminta taalada waxayna ka furfureen maradii madoobayd ee lagu dahaaray taaladda iyagoo iska uruuriyey lacag si ay ugu dayac tiraan taaladda.

      Erayada ay ka midka yihiin xadgudub iyo ilaalinta xuuuqaha ayaa ahaa mid ay ku hal qabsadaan siyaasiyiintu si ay u kiciyaan. Waxayna markasta sabab uga dhigaan arimo hore oo la soo dhaafay si ay bulshada ugu marin habaabiyaan danahoodana u ilawsiiyaan. Waxaan suurto gal ahayn in taariikhdu is buriso, isna beeniso, laakiin waxaa ku been abuurta sida ay rabaanna u isticmaala siyaasiyiinta iyaga oo ku fushanaya danohooda siyaasadeed. Aragtiyaha siyaasadeed ee siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha ayaa noqday kuwo hadba si u turjuma taariikhda.Wakaaladaha Warbaahintana waxaa loo gacan galiyey kooxo lidku ah dhaq dhaqaaqa bulshada oo halis galiya qof kasta oo isku daya inuu soo bandhigo taariikh dhab ah.

      Waxaad moodaa uun in xulafadii soo mal maluuqday taariikhdii hore ee siloonayday doorka ugu wayn ku leedahay is mari waaga siyaasadeed ee dalka. Kuwaasoo maskaxda ka qabsaday dhamaan axsaabta siyaasadeed iyo ururada kala duwan ee bulshada. Murankuna waxa uu ka bilawdaa Axmaaro ayaa halyey ah halka Oromona sheegayso inay ka wada libaaxsantahay Qowmiyad kastaana iskeed isu mahadinayso taariikhdeedana u noolaynayso una ogolayn in cidkale laga hormariyo.

      Tan ayaa noqotay hab nololeedka dhaqan-dhaqaale ee dalka waxaana run ahaantii adkaatay heli taanka hab nololeed dhaqan-dhaqaale bulsho iyo siyaasadeed oo laga wada simanyahay.Aaminsanaanta fikradahan khatarta ku ah bulshada oo ay ugu horayso inaan waxba laga badali karin taariikhdii siloonayd ee hore, waxay dhalin kartaa in wadanku burburo. Taasi oo keeni karta inay yimaadaan colaado iyo dagaalo aan dhamaad lahayn. Kaliya waxaa xal la gaadhikaraa hadii la wada hadlo laguna heshiiyo in la wada yeesho taariikh loo simanyahay, siwada jir ahna loo soo ban dhigo iyadoo aan la is faquuqayn. Kulamadii iyo Talo wadaaga siyaasada ka hor.

      Waxaa marar badan la isku dayey in la xaliyo khliaafaadyadii ka dhashay taariikhihii hore iyadoon lagu salaynin kala duwanaanshaha luuqadeed, dhaqameed,iyosiyaasadeed ee manta jira. Waxaana halkaas ka dhashay dareen niyad jab leh oo keeni kara inaan la iloobin wixii horay u dhacay. Iska indho tirida isla xisaabtanka wixii horay u soo dhacayna jawaab uma noqon karo sheegashada maanta ee ku salaysanduudsigii shalay. Hadii si ula kac ah loo iloobana waxaa laga yaabaa inuu dhaco wixii shalay dhacay mar labaad. Taasi oo keeni karta in la iska iloobo dadyawgii uu dhibaatada dhanka maskaxda ah u gaystay nidaamkii hore ee ka jiray wadanka.

      Itoobiya dani uguma jirto xasuusta iyo ilowshaha wixii dhacay laakiin waxaa muhiim ah in laga wada xaajoodo waliba laga wada hadlo sidii si cadaalad ah wax loogu qaybsan lahaa iyadon la isku xaqirayn taariikh ahaan. Waa inaan kaliya la aqoonsanin dhaqamada iyo kala duwanaanshohooda, laakiin waa in sidoo kale la garwaaqsado kala duwanaanshaha danaha siyaasadeed ee umad kasta iyo isbadalka ay keeni karto umad kasta oo Itoobiyaan ah. Dadkana waa in loo tix galiyo si isku mid ah, xuquuqdoodana loo sugo. Si loo jeexo jid siyaasadeed oo cusub waa in laga garaabo inay jireen dhibaatooyin hore.

      Hadaba dhinacyada soo kala horjeeda waa inayna midba midka kale runta u sheegin oo kaliya ee waa inay xataa ogolaadaan in faragalin lagu sameeyo taariikhdii hore ee la siyaasadeeyay wixii qalad ahna laga wada doodo la iskana qanciyosi loo kala cadeeyo waddaniga iyo hogaamiyaha dhabta ah iyo kan kale ee la buun buuniyey afkana lagaga dhigay mid taariikh leh iyadoo ay jireen abbaan duulayaal ka mudnaa kana geesisanaa. Hab casri ah kana duwan hababkii hore, waa in la helo ka hor intaan siyaasada loo gudbin,bulshdana si iskumid ah loo qiimeeyaa loona tix galiyaa lagana raali galiyaa dhamaan qowmiyadihii iyo shacab waynihii Itoobiya ee taariikhdii been abuurka ahayd ka hiilisay.
      Ka sokow dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale, waxaa kale oo lagu guul daraystay dhisitaankaxukuumad loo dhanyahay. Waxaana la iska indho tiray fikradihii iyo wax qabadkii dadka qaar, iyadoo lagu xisaabtamayo, lagana duulayo taariikh malo awaal ah oo aan loo sinayn. Taasina waxay keentay in xataa diimuhu kala sareeyaan. Hadaba waxaa muhiim ah in fikradeheena siyaasadeed ay noqdaan kuwo caqli ku salaysan, wakhtiga iyo marxalada lagu jirana la jaan qaadaya.

      Is waydiinta aragtiyeheena ku saabsan jiritaanka nololeed wuxuu inoo sahlayaa inaan si qoto dheer u fahano sababta keentay in wax yaalo hore oo lasoo dhaafay wali kasii dhex muuqdaan nolosheena manta. Waa muhiim in la iswaydiiyo su’aalo dhowr ah, sideebay dadku isu waydiiyaan waxyaabaha lagu kala sooci karo wakhtigii hore iyo kan maanta? Maxaa muhiim ah si loo cabiro kala duwanaanshaha dhaqan dhaqaale? Maxaa u baahan in bulshada lagu taageero iyo in lagala dagaalamo? Waamaxay anshaxa iyo dhaqamada looga baahan yahay laamaha dawlada?

      Wadanku waxa u galay xaalad aad u adag oo gilgishay dawlada, taasoo ay ku lugleeyihiin siyaasadihii horay u jiray. Si aan uga samato baxno xaaladan adag waa inaan iska sifaynaa taariikhihii madoobeed ee shalay dadka lagu duudsiyayey. Waa inay siyaasiyiintu la yimaadaan waji syaasadeed oo cusub. Burburkan hada taagan waa laga gudbi karaa hadii aan wakhti la siinin, Wakhtigu waa waxa ugu qaalisan aduunka waxaana kaaga soo go’a hadba wixii aad gashato.waa sida uu aaminsanyahay xeel dheeraha ku taqasusay cilmiga diimaha ee Paul Tillich.

      Waxaynusoo qaadanaynaa tuducyo kamid ah gabayga uu ciwaankiisu yahay “wareegtada adduunka” oo uu tiriyey gabyaa lagu magacaabo Kabade Mikaelsanadkii 1956.
      አንዱስፍራሲለቅ፥አንዱእየተተካ፣
      ሁሉምርስቴነች፥እያለሲመካ፣
      ሞኝነትአድሮብን፥ሳናስበውእኛ፣
      ዓለምሰፈርሆና፥ሕዝቡመንገደኛ፣
      ትውልድፈሳሽውሃ፥መሬቷምዥረት፣
      መሆኑንዘንግቶ፥ይህሁሉፍጥረት፣
      ስትመለከቱት፥በሰልፍተጉዞ፣
      ሁሉምበየተራው፥ያልፋልተያይዞ። (Kebede Mikael. (1956). Yequine Azmera (የቅኔአዝመራ). P.4-8.)

      Waxaa sidoo kale loo baahan yahay inaan la iloobin waxyaabihii wanaagsanaa ee horay ujiray, lagana faa’iidaystolaakiin waa inaay noqdaan kuwo la jaan qaadi Kara wakhtiga la joogo. Waxaa hubaal ah in dawlada laameheeda kala duwani aanay kaligood ku filayan waxyaabihii horay u dhacay si la isu fahmo. Laakiin waxaa loo baahan yahay in dadka la wacyi galiyo laguna baraarujiyo walibana labaro qaar kamid ah culuumta arimaha bulshada sida: Psycholojiga, Sociolojiga, Falsafada, Iyo artiska si loo gaadho xal waara.

      Itoobiya waa inaay ku dheganaanin taariiqdii hore ee la buunbuuniyey. Waxaa loo baahan yahay in siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay soo afjaraan xaalada cakiran ayna furaan waji cusub kaas oo abuuraya isbadal bulsho iyo horumar. Waa in la joojiyo awoodaha siyaasadeed ee isku dayaya in taariikhda ay si ula kaca u qariyaan ugana been sheegaanlana sameeyo siyaasad ku dhisan taariikh loo siman yahay.

Viewing 0 reply threads
Reply To: Itoobiya: Xukuumad ku dhegan taariikh hore oo la buun-buuniyey
Your information: