Kooxaha tirada yar iyo raadintooda ka mid noqoshada siyaasad bulsheedka Itoobiya

Home Forums Madasha Dhalinyarada Kooxaha tirada yar iyo raadintooda ka mid noqoshada siyaasad bulsheedka Itoobiya

  • This topic is empty.
Viewing 0 reply threads
  • Author
    Posts
    • #3644 Reply

      Qore: Tsegaye Dejene Daba*

      Erayga ‘Laangaab’ waxa uu ka mid yahay erey-bixinta lagu muransan yahay ee cilmiga bulshada kaas oo leh macnayaal kala duwan oo dhinacyo iyo nuxuro kala duwan leh. Inta badan, waxa lala xidhiidhiyaa koox ka kooban xubno tiro yar. Si kastaba ha ahaatee, nuxurka siyaasadeed ee ereygu wuxuu yahay ama ka turjumayaa sida saxada-siyaasadeed ay u qabsadeen kooxo gaar ahi. Intaa waxaa dheer, fikradda dadka laga tirada badan yahay waxay ku lug leedahay arrimo fara badan oo aad u  qoto dheer sida walaaca ‘matalaad la’aanta’, ‘xad-gudubka’ iyo ‘hoos u dhigista’ kuwaas oo dhamaan lagula kaco dadka laga tirada badan yahay marka la joogo goobta dhaqan-dhaqaale iyo midda siyaasadeed.

      Kooxaha laga tirada badan yahay ee Itoobiya waxa loo qaybin karaa saddex qaybood oo waaweyn oo kala ah kuwo laga tira badan yahay oo deegaan ah (endogenous), kuwo dool ah (exogenous) iyo kuwo la takooray (maginalized). Beelaha laga tirada badan yahay waxay ka kooban yihiin kooxaha laga tirada badan yahay ee deggan dhulkooda ‘dhulkooda hooyo’ laakiin door yar ka qaata saaxadda siyaasadeed ee gobolka tirada dadka oo yar awgeed. Qaybta kale ee la tirada badan yahay waa kooxo u haajiray dawlad goboleedyada kale kuwaas oo aan loo tirinin qoomiyadaha ay ka soo jeedaan deegaanka ay tageenna ku noqda koox laga tiro badan yahay walaw ay kasoo jeedaan qawmiyad tiro badan. Qaybta saddexaad ee laga tirada badan yahay waa qayb la haybsooco waana kuwa ku hawlan shaqooyinka bulsho ahaan la takooro laakiin aan nolol-maalmeedka looga maarmin sida dherya-sameeyaha, kaba tolaha, tumaalka, alwaax qorayaasha, ugaadhsatada iyo xoolo-dhaqatada.

      Saddexda weji ee kooxaha laga tirada badan yahay ee Itoobiya:

      Marka hore, marka la eego beelaha laga tirada badan yahay, Aqalka sare (HoF) waxaa looga yaqaanaa xubinta koowaad ee leh waajibaad dastuuri ah si kor loogu qaado sinnaanta iyo midnimada; si kastaba ha ahaatee, tan si buuxda looma xaqiijin waxaana ugu wacan matalaadda aan dheeli tirnayn ee qoomiyaduhu ay ku leeyihiin aqalka sare. Tani waa arrin ka duwan dhaqamada caalamiga ah sida USA, Canada, Australia, Switzerland iyo wixii la mid ah. Itoobiya waxa ka jira in ka badan siddeetan qawmiyad-afeed, laakiin golaha oo lagaga badan yahay awgeed, beelaha yar yar ayaan saamayn badan ku lahayn go’aan qaadashada lagaga tashanayo arrimaha xasaasiga ah maadaama ay haystaan ​​codad aan badnayn, wax sharciya oo xuquuqdooda si gaara u ilaaliyaana uuna jirin. Beelaha laga tirada badan yahay saameyn xooggan kuma laha dejinta sharciga, diyaarinta qorshaha siyaasadda iyo hababka fulinta ee dowladda federaalka. Dhammaan go’aamada HoF guud ahaan waxaa lagu go’aamiyaa codadka aqlabiyadda fudud.

      Sidaa darteed, waa ay adagtahay in la qiyaaso in damaanad qaadka iyo ilaalinta danaha dadka laga tirada badan yahay haddii aan loo samaynin sharci ama xeer xuquuqdooda si gaar ah loogu cadddeynayo. Mar haddii aqalka sare aysan ka fursaneyn siyaasadda xisbiga talada haya (xubnaha waxaa soo xulaya golayaasha dowlad goboleedyada, sidoo kale, golayaashu waa wakiillo ka socda hannaanka xubinnimada xisbiga), waxaa ka maqan madax-bannaani buuxda iyo dhex-dhexaadnimo si ay u helaan qalbiga iyo maskaxda dadka tirada yar. sidaas darteed, kuma jirto waddo sax ah in la horumariyo lana ilaaliyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Haddii aanay garsoorayaasha dastuurku madax bannaanayn oo aanay eex ka madhnayn, ma gaadhi karaan ujeedooyinka horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay.

      Marka labaad, marka la eego kooxaha laga tirada badan yahay ee dibadda ka yimid (intra-unit), waxaa ka dhalata arrin la xidhiidha dhulka taas oo ka hor imanaysa madaxbannaanida dhuleed ee qawmiyadaha qaranka loo ogal yahay. Dawlad deegaannadu waxay awood u leeyihiin inay iskood isku maamulaan dhulka ay maamulaan ee iyaga hoos tagaana uu cayinaado.Gacan ku haynta gaarka ah ee dhulka iyo xukunka hay’adaha dawliga ah ee ku dhex jira waa sifada ugu muhiimsan. Qowmiyada-qaranka ah ee ku naaloon is-maamulka qaabka is-xukunka ayaa si xooggan isu aqoonsan dhulka ay sheeganayaan inay ka taliyaan. Sidan oo kale, dawlad-goboleedka ayaa inta badan loo arkaa dhul-hoosaad-qaran. Arrinkan marka la eego, is-xukunka dhulku wuxuu xoojiyey dareenka awood-siinta kooxda qawmiyada-qaran ee talada haysa, laakiin waxay macno gaar ah u leedahay beelaha laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka.

      Fikirka gooni-isu-taagga ah ee dhulka iyo u beddelka koox-qamiyadeed oo loo beddelo aqlabiyad siyaasadeed oo ku jirta unugga xubinta ka ah ama heer deegaan waxay keenaysaa ka-reebis siyaasadeed beelaha laga tirada badan yahay ee gudaha, maaddaama unugyadu ay naftooda ku kala duwan yihiin. Runtii muddooyinkan dambe waxaa dalka Itoobiya ku soo badanayay xurguf iyo iska hor imaadyo u dhexeeya qowmiyadaha tirada yar iyo kuwa tirada badan kuwaas oo ku qotoma kala duwanaansha taariikhda siyaasadeed ee dalka.

       

      Mararka qaarkood, qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Itoobiya waxay la kulmaan takoor xagga sharciga ah (tusaale ahaan shaqooyinka, fursadaha maalgashiga iyo tartanka qandaraasyada, helitaanka dhulka oo xaddidan – tusaale ahaan gobolka Benishangul-Gumuz – sharciga gobolka ayaa xaddidaya in soogalootigu ay helaan dhaqaale ama dhul iyagoo sheegaya in dhulkaas ay leeyihiin beelaha asaliga ah), sidoo kale waxaa jira takoor siyaasadeed (maaha in ay matalaan hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ee dawlad goboleedka, waxaana inta badan ay la kulmaan caqabado doorasho iyo in ay qabtaan xilal dawladeed sida shaqaale dawladeed oo kale, sababtoo ah waxaa loo arkaa inay ka tirsan yihiin deegaan kale iyo maamul kale.

      Intaa waxaa dheer, gobollada intooda badan dadka laga tirada badan yahay ee deegaanada kale kasoo jeedaa waxay ku xidhan yihiin hab nololeed isku midana ay wadaagaan qawmiyadahooda in kasta oo ay jiraan kala duwanaansho dhinacyo badan leh maadaama ay ku dhex milmayaan qoomiyadda kale ee ay la nool yihiin. Haddana ka mid noqoshada siyaasadeed ee beelahan laga tirada badan yahay ayaa weli ah isha laga doodo, waxayna dalbanaysaa in dib loo eego habka uu u shaqeeyo federaalka qowmiyadaha Itoobiya si ay u qaabilaan beelaha laga tirada badan yahay. Dhammaan gobolladu waxay leeyihiin xaddidaad dastuuri ah iyo mid hay’ad ahaanba si ay u helaan qolooyinkooda laga tirada badan yahay oo siyaasad ahaan la waafajiyo. Natiijo ahaan, kiiska beelaha laga tirada badan yahay ee ka dhexjira ka-qaybgalka siyaasadda, waxay ku martiqaadaysaa baaritaan si loo eego qaab-dhismeedka iyo shaqada qawmiyadaha dalka.

      Marka saddexaad, marka la eego kooxaha laga tirada badan yahay ee la haybsooco, shaqadooda awgeed, takooriddu waxay ka dhacdaa inta badan hawlaha ay u qabtaan bulshada, tusaale ahaan, sida ay qabto Susanne Epple (2018, p.173), cunista iyo cabbitaanka xaaraanta ayaa ka mida waxyaabaha keenaya kala soocida kuwooda ugu cad cad. Waxa kale oo ka mid taruurka ay la kulmaan dadkaasi is-guursiga xubnaha dabaqada hoose iyo kuwa dabaqada sare’. Dastuurka jamhuuriyadda dimuqraadiga federalka itoobiya waxa ka maqan jago muuqata oo ah  inuu si toos ah uga hadlo xuquuqda qoomiyadaha iyo shaqalaha laga tirada badan yahay ee dawlad goboleedyada uu dhistay. Dastuurka federaalku waxa uu qabaa in ay tahay mabda’a kaliya ee abaabulka, balse waxa uu ilduufay dammaanad-qaadka dastuuriga ah ee in la siiyo ay ahayd dadka laga tirada badan yahay ee ay adagtahay in loo aqoonsado in ay yihiin qowmiyad marka loo eego halbeegyada heer gobol ama federaal ee lagu kala saaro cidda qowmiyad noqon karta iyo cidda kale.

      Sidaas awgeed, dad badan ayaa lagu takooraa, la fogeeyey, lagu xad-gudbay oo la faquuqay iyadoo loo eegayo shaqadooda, lagana dhigay maqaam hoose oo ay Itoobiyada maanta ku leedahay. Tusaale ahaan, bulshooyinka latakooro waxaa ka mid ah bulshooyinka ku nool koonfurta Axmaarada ee lagu magacaabo Enewari Woreda, Beta Israel, iyo Wayto, iyo kuwa Hadicho, Mana iyo Manja iyo ‘Fuga’-‘alwaax qorayaasha’ eek a tirsan kooxda laga tirada badan yahay ee Gurage ee ku nool Shucuubta Koonfureed, (SNNPR).

      Dariiqa Loo Socdo

      Marka laga hadlayo kooxaha laga tirada badan yahay ee udhashay deegaanka, waxaa hubaal ah in dastuurka Itoobiya uu siiyay xuquuqaha qaarkood kuwaas oo la xidhiidha ama loogu talo galay dadka laga badan yahay. Qowmiyad kasta oo laga aqoonsan yahay heer federaal ama heer deegaan ayaa ugu yaraan hal wakiil ku leh aqalka labaad (Aqalka Federaalka). Qoomiyadaha yar yar, in kasta oo aanay ahayn kuwo loo dhan yahay, kuwaas oo haysta in ka yar 100,000 oo qof ayaa haysta 20 kursi oo aqalka fadaraalka ah. Waa in laga fogaado boosaska la ceshanayo, si loo tixgeliyo kooxaha aan matalaada lahayn iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay door macno lehna loo siiyo. Haddaba, waa in dib loo eego awoodda fasiraada dastuuriga ah ee aqalka fadaraalka, lagana helo hay’ad madax-bannaan oo dhexdhexaad ah, taas oo ah in hay’adda garsoorka lagu sameeyo dib-u-habayn xagga garsoorka ah, laguna dhaqmo.

      Marka la eego dhibaatada ka mid noqoshada dadka laga tirada badan yahay ee deegaanada kale ka yimid; Labada hab ee ugu waaweyn ee u baahan in wax laga qabto waa awood qaybsi ama madaxbannaani la’aan dhuleed (NTA). Qaar ka mid ah isu tagyada, dowladda federaalka waxaa sidoo kale la siiyay awood dastuuri ah si ay ula socoto u hoggaansanaanta unugga xubinta ka ah xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay ee gudaha. Xuquuqaha ku qotoma dastuuriga ah iyo hababka dhaqangelinta xooggan waxay sidoo kale yareyn karaan khataraha ku-takri-falka aqlabiyadda waxayna wax ka qaban karaan xuquqda dadka laga tirada badan yahay ee unug-dhexe. Waa in ay jiraan tallaabooyin is-kaabaya oo macneheedu yahay in aanay ka soo horjeedin xaqa ay kooxaha qawmiyadaha ahi u leeyihiin in ay is-maamulaan, balse ay ujeeddadoodu tahay in ay yareeyaan saamaynta xun ee ay ku yeelanayaan qolooyinka laga tirada badan yahay ee matalaad la’aanta.

       

      Tilmaamaha ugu horreeya ee habka awood qaybsiga ayaa ah ka mid noqoshada hogaaminta siyaasadeed ee ugu waaweyn ee matalaya qaybaha ugu muhiimsan ee bulshada (oo ay ku jiraan dadka laga tirada badan yahay), gaar ahaan geeddi-socodka siyaasadda iyo hay’adaha go’aaminta ee federaalka oo ka kooban dawlad deegaanada iyada oo ku xidhan hadba meesha dalabku yahay. Qayb kale oo muhiim ah oo ka mid ah ismaamulka aan dhulka ahayn waa madax-bannaanida dhaqameed iyo luqadeed ee la siiyay qawmiyadaha kala duwan ee uu qaranku ka kooban yahay. Ka sokow, awood usiinta dawladda federaalka ah inay u adeegto siday u  ilaalin lahayd xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ugana ilaalin lahayd arrimaha ay ka midka yihiin cabudhinta, iyo takoorka ay ku hayaan kuwa tirada badan, qawmiyadaha tirada badana xuquuqdooda waa la sugay. Ugu dambeyntii, cabbirka aadka loo isticmaalo si loo xaqiijiyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo shaqsiyada muwaadiniinta ah waa ku darida buugga xuquuqaha aasaasiga ah ee dastuurka federaalka (sidoo kale dastuurka dowlad deegaanada) iyo fulinta ka dib iyadoo loo marayo habab hay’addeed oo ay ku jiraan maxkamado xooggan. Waajibaadkan ayaa weli ah kan ugu muhiimsan ee dawladda federaalka laakiin dawlad-deegaanadu waxay sidoo kale kobcin karaan ilaalinta xuquuqda iyagoo bixinaya xuquuq ka wanaagsan, oo aan ka yarayn sidii loogu talo galay, oo uu dejiyey dastuurka federaalka.

      Ugu dambayntii, iyadoo laga hadlayo xarumaha ay ku nool yihiin dadka laga tirada badan yahay ee la hayb-sooco maadaama ay shaqaysteen, hay’adaha ay khusayso ee ku jira qaab-dhismeedka dawladda, bulshada iyo daneeyayaasha kale ee caalamiga ah waa inay qaadaan tallaabooyin nidaamsan oo ay ka mid yihiin tababaro dhammaystiran iyo waxbarasho xuquuqul insaanka ah oo la siinayo dadka la hayb sooco iyo bulshaweynta guud ahaan. Dhanka kale, xirmooyinka xoojinta siyaasadda-bulshada iyo kuwa kale ee awood-siinta waa in sidoo kale xooga la saaraa marka la wajahayo kooxahan laga tirada badan yahay ee la haybsooco, iyadoo si geesinimo leh loo soo saarayo loona garab istaagayo qaybaha la diiday deegaan ahaan iyo dhaqan ahaanba.

      Isku soo wada duuboo, qodobka ugu muhiimsan ee aan ka hadlayno ayaa ah xal u raadinta arrinta la isku hayo, taas oo kaliya xalkeeda lagu gaadhi karo in dhammaan nidaamka dhaqan-siyaasadeed ee dalku  uu noqdo mid ku saleysan dimuqraadiyadda.Waana in lagu kabaa tallaabooyin wax ku ool ah si wax looga qabto dhibaatada dhabta ah ee kooxaha laga tirada badan yahay ee la xidhiidhta raadintooda is dhexgal bulsho-siyaasadeed.

      *Taariikh nololeedka Qoraaga: Tsagaye Dajene Daba waa bare wax ka dhiga jaamacadda Ambo, waxa uu hadda ka baranayaa shahaadada Ph.D. ee jaamacadda Haromaya.

      Ogeysiiska Daabacaha: Wax ku biirintani waa qayb ka mid ah sheekooyin taxane ah oo uu CARD daabaco si uu u dhiirri galiyo la-hadalka garaadka ee dhalinyarada Itoobiya. Haddii aad rabto inaad wax ku darsato ama aad ka jawaabto qoraalkan gaarka ah, fadlan qabyadaada noogu soo dir info@cardeth.org

Viewing 0 reply threads
Reply To: Kooxaha tirada yar iyo raadintooda ka mid noqoshada siyaasad bulsheedka Itoobiya
Your information: