Maku hammiga xad-dhaafka ah ee Taariikhda mise Dhisme Qaran oo Qallooca?

Home Forums Maku hammiga xad-dhaafka ah ee Taariikhda mise Dhisme Qaran oo Qallooca?

  • This topic is empty.
Viewing 0 reply threads
  • Author
    Posts
    • #3432 Reply

      Qoraaga Asrat Abraaham

      Waxan akhriyey maqaal uu qoray Tseba’ot Malaaku oo cinwaankiisu aha “Ethiopia: state in obsess with fait accompli”. Maqaalku waxa uu si hawaale-warrana u iftiiminaya xaalada ay Itoobiya ku sugantahay ee jahawareerka xagga taariikhda iyo geeddi -socodyadii siyaasadeed ee hore. Waxa aan qaba in uu fikir waaqica yahay. Balse laakiin qofka xogo-ogaalka u ahi waxa uu si fudud oo qoto-dheer u fahmi karaa in dhibaatooyinka hadda jira ee ina hareereyay ay yihiin kuwo kusaleh dhacdooyin taarikheed hore islamarkaana walina ay jiran arrimo aan lasoo afmeerin.

      Dalkeena waxa jira arrimo laga yimiday balse mahadho ah. Tusaale ahaan, waxan soo qaadan karnaa heshiiski wajaale ka dib dhimashadii boqor yohanis ee matema, heshiiskii Shawa ee dhex maray boqor Minilikh iyo dhigisi (wakiilki) ka socday dawladdi Talyaaniga. Heshiisyadasi waxay horseeden in Talyaanigu uu qaybo kamida dhulka itoobiya sharciyan uyeesho, islamarkaana wuxuu sababay in ay samaysanto dal Eriteriya la yidhaahdo. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadani isma beddelin xitaa guushii Adwa ka dib.

      ka dib heshiisyadi Talyaaniga la wadagalay ee Farasmay iyo Addis Ababa lama nasakhin (burinin) qodobadi heshiiskii wajaale lagu heshiiyay, marka laga reebo in Itoobiya ay iskeed si toos ah ula xaajoon karto dawladaha shisheeye. Hasayeeshe, dhowr toddobaad dagaalki kadib, heshiis ayaa lagu galay Farasmey kaas oo lagu bixiyay dhulki wabiga Mereb oo ay kamid yihin Akuleguza iyo Saraayaan oo Talyaaniga lagu siiyay.

      Mid ka mid ah dhacdooyinka taariikhiga ah ee taariikhda Itoobiya ay dayacday ayaa ah heshiiskan Faresmay. Waaxaan u soo qaatay tusaale ahaan, balse laakiin waxan aaminsanahay dhacdooyin taariikheed badani ay si togan iyo si tabanba in nolosheenna maanta qoomiyad ahan iyo dad ahaanba ay u saameynayaan.

      Aas-aaska dulucda, waxaan aaminsanahay in dhibaatada ugu weyn ee Itoobiya aysan ahayn mid hore ama tan maanta, balse ay tahay natiijo ka dhalatay nidaamka ama habka guracan ee qaran-dhiska. Sida aan ogsoonahay, waxaa dhidibada loo taagay nidaamka Itoobiyada casriga ah xilligii boqor Minilikhi II.

      Boqor Minilikhi II wuxuu heshiiskii Wacaalle Eriteriya uga tanaasulay Talyaaniga, wuxuuna si xoog iyo/ama doonisa ku qabsaday ummaddaha Koonfurta, Bariga, iyo Galbeedka, Sidaasna loo dhigay qaabka cusub ee xadka Itoobiya. Iyada ooy sidaas tahay, boqor Minilikhi II wuxuu heshiisyo kula galay gumeystayaashii Yurub ee ku hareereysna dhamaystirka xuduudahas. Taasoo ah dhacdo taariikhiyah oo ku suntan bilowgii geedi socodki nidaamka dawliga casriga ah ee Itoobiya. In kastooy suuragal ahayd in tani ay fursad wanaagsan ahayd haddana waxay horsseeday arrimo laysku khilaafsanyahay oo sii kordhaya khilaafkoodu ilaa maanta.

      Nidaamkani wuxuu ku bilowday sarraynta geedi-socod siyaasadeedka Shawa, Afka amxaariga kaliya oo afka rasmiga ah noqda iyo hannaanka dhismaha dawlada oo ah mid ku salaysan kala sooc iyo Nidaam diiniya gaarahan Orthodox Tewahedo. Taas oo keentay in dadka gobolku ay noqdaan kuwo aan ku qanacsanayn oo ciil iyo cadho qaba. Islamarkana tani waxay sabab u ahayd siyaasada mideysan ee dhalan roga ummaadda dalka si ay uga tagaan aqoonsigooda oo ay si tartiib tartiib ah u abuuraan muwaadiniin ku hadasha Afka Amxaariga.

      Dhanka kale, Nidaamkani ma ahayn mid laga wada qaybgalo, sido kale waxa la odhan karaa wuxuu aha nidaam ku dhisan xagjirnimo iyo kala sooc. Waxaa si fiican loogu qeexay maqaalka uu qoray Nagadras Gebrehiwot Beykedagn. Haddaba, Marka loo eego caddaymaha inoo markhaatiga ah, Nidaamki dhismaha qaranka ee Minilikhi II wuxuu ahaa mid bud dhig u ah takoorka iyo yaska, Xataa dadka Tigreega iyo wax-garadki Gondhar oo aha dad kaalin mug-wayn ku lahaa nidaamyadi hore Itoobiya. Waxaa kalo uu sheegay:

      Magacaabista jago kasta oo weyn, gaar ahaan wasaaradaha waxay gacanta ugu jireen Shoa. Cid kasta oo ka soo jeeda Tigray, Semen, Begemder, Lasta, iyo Gojjaam waxaa loo arkayay in ay shisheeye yihin, islamarkaana dawladdu waxba kalamayna tashan jirin. Si kastaba ha ahaatee, maadaama uuna lahayn waxbarasho, dadka reer-waqooyi ceebta xaalada mayna wali fahmin. Sababtaas awgeed, maadaama aysan wax kale ku bahdilayn ayay si cad u hoggaamiyeen.

      Negadras Gebrehiwot wuxuu arkay oo kaliya bahdilada dadka waqooyiga. Dadka Koonfurta, Bariga, iyo Galbeedka, haddii aan taariikhda dib ugu laabano dhulkoodii waa la qaatay; waxay ahaayeen la addoonsado waxayna ku noolaayeen gumeysi. Nidaamki dhismaha qaranka ee ka bilaabmay boqortooyadii hayle selasse cabudhintu way sii socotay iyadoo qaadatay hannaanka unitariga ee Faransiiska. Hasayeeshee, iyadoo la kaashanayo magaalaynta xooggan iyo fidinta warshadaha, Dadka Afka axmaariga kuhadla waxaa ku socday nidaamka hantigoosadka iyo qaab-dhismeedka dhulka, kaaso aan wax xidhiidha la yeelanin dhammaan dadka kala duwan ee ku hadla afafka iyo dhaqamada kala duwan ee ku hareereysan. Maadaama ay ku guuldareesteen hadafkoogi ahaa in ay dhisaan kaliya ah dad hal luuqad kuwada hadlaya oo iskumid ah.

      Taasi awgeed dadka tigreega ah iyo intooda badan deeganada amxaarada gudahooda magaalooyinka kuyaala marka laga reebo magaalooyinka agagaarkooga shacabka kunool ma aheen kuwo isku luuqad iyo dhaqan ah. Intooda badan xerooyinka ciidanka ama goobaha ganacsiga la iskugu dhoofin jiray ama magaalooyinka u ahaa xarunta arimaha maamulka dowlada iyo inaay ahaayeen magaalooyin loo aasaasay in aay noqdaan intooda badan magaalooyinka afrika kuwa aay aas aaseen gumeystayaashii Africa. sidaasi awgeed wxaay ahaayeen dad luuqaad ahaan iyo dhaqan ahaanba kukala duwanaaa. Wxaa sameyntaa intaa kabaxsana magaalooyinka kuyaalada degaanka tigreega. dadka kunool magaalooyinkaa wxaay iskufahmi jireen luuqada tigreega , magaalooyinka iyo agagaarka madaalooyinka caruurta ku dhasho wxaay ku barbaari jireen luuqada tigreega. Intooda badan magaalooyinka axmaarada wxaay lahaayeen dabeecada lamid ah kuwaan.

      Marka taa aan eegno, magaalooyinka kaliya ee Itoobiya aan ku hadal Afka axmaariga waxaa laga helaa dawlada deegaanka Tigreega. Waxa xiiso leh, 30-kii sanno ee la soo dhaafay, xataa wakhtigi la sheegay in qoomiyadaha iyo shucuubuhu is-maamulaan, kuwaaso ka soo jeeda in ka badan siddeetan qowmiyadood, dastuurkuna damaanad qaaday in ay xaq u leeyihiin in ay horumariyaan afkooda iyo dhaqankooda, ma jiro mid awood u yeeshay inuu abuuro magaalo cusub oo ka tarjumaysa dhaqankeeda iyo afkeeda. Waxa kaliya ee la sameeyay waxay ahayd in siyaasada laga reebo oo la cabudhiyo dadka ku nool magaalooyinka afka Amxaariga lagaga hadlo ee lagu dhisay hannaanka kor ku xusan.
      Qodobka kale ee muddane Tseba’ot waa arrinta taariikhda waxbarashada Itoobiya. Wuxuu xusay in la joojiyay waxbarashada taariikhda Itoobiya ee tacliinta sare sababo la xidhiidha isku raacsanaan la’aanta ku saabsan cashiiradi buugga. Sababtu way ii cadahay; bal aan fiirino gabaygi abwaan Getinet Eniyew:

      Halka wax een la awooddin
      Run- Marka guri aad dhisayso
      Been- Hadday maku caawiya tidhaahdo
      Hadday cagta dhoobada saarto
      Hadday kuu soo dhiibto musbaar
      Gurigina madhismin
      Runtiina ma joogin

      Waxa uu sheegay in markii beentu u istaagtay inay gacan ka geysato qorista taariikhda dhabta ah, waxay ka dhigtay taariikhdayada oo dhan mid laysku qasay run iyo been. Waligeed ma jirto caqiido taariikh dhab ah oo ka jirta Itoobiya, laakiin waa sheekooyin siyaasadeed oo hal dhinac ah. Taasna waxa lagu caddayn karaa dhacdooyin taariikheed kala duwan.

      Tusaale ahaan, waxan ku bilaabi karnaa dagaalkii Makdala ee u dhexeeyay ingiriiska iyo boqor Tewodros. Taariikhyahanada Itoobiya ma sheegaan in sababta dagaalku ay ahayd, boqor Tewodros in uu xabsi ku guray dad ajaanib ah oo wakhtigaas ku sugnaa Itoobiya, isago leh haddii aanay siin khibrad dhinaca hubka ah in aan la sii dayn doonin. Intaa waxaa dheer, ma aysan noo sheegin in ciidanka Ingiriisku uu soo galay dhulka Itoobiya si uu u sii daayo maxaabiista isagoo oggolaansho ka haysta dhammaan kuwii la tartamayay boqor Tewdros wakhtigaas, ooy kamid ahayen; Lasta Wagshum Gobeze, Tigrayan Bzez Kassa, Boqor Minilikhi Shawa, Wollo Workitu iyo Mestawot.

      Taa Cagsigeed, taariikhyahannada Itoobiya waxay baraan eedaymaha “boqor Yohanis Makdela wuxuu keenay Ingiriiska.” Dhinaca kale, mayna sheegin xaqiiqada ah in boqoradda dalka ingiriisiga ee victoriya uu Minilikhi II u qoray warqad hambalyo (farxad) ah, in ciidankiisu awoodi waayeen in ay u socdaalaan Makdela si ay u caawiyaan, maadama ayna rabin in ciidankisu ay farxada ciida (ester) ku qaatan meel kabaxsan qoyskooda in sidaas usoo laabten. warqad farxad ah ee kusaabsan dhimashadii boqor tewodros inaay udireen boqorada fiktooriya maay sheegin.

      Sidoo kale, Wagshum Gobeze, Boqoradda Ingiriiska, ayaa warqad u qortay Boqorad Victoria: Rassam, oo ahaa maxbuus Ingiriis ah, ayaa isna wax ka qoray xaqiiqadan. “Waxay ku yidhaahdeen, haddaad timaaddo, waxaan ku hor kaxayn doonaa dadka hortiisa oo waxaan kugu hoggaamin doonaa jidka oo waxaan kuu keeni doonaa hadhuudh, malab, ido iyo riyo. Ninka Ingriiska ah, oo maxbuus ahaa markii xasuuqu dhacay, ayaa isna xaqiiqadan ku duubay buugiisa ” sida laga soo xigtay Tabor Wami, Darrell Bates iyo Paul Ngoni, labada gobol ee Wollo ee xilligaas saamaynta ku lahaa, W / ro Mistwat, ayaa iyaduna si shaqsi ah ula xaajooday dagaal -oogaha Ingiriiska Napier waxayna ku heshiiyeen in ololaha uu noqdo mid guuleysta.

      Haddii an guushi Adwa fiirino, waxan sido kale heleynaa taarikh la mid ah. Qodobka 3aad ee heshiiskii Wajaalle wuxuu si cad u dhigaya in dhulka Itoobiya la siiyo Talyaaniga. Taariikhda Itoobiya ma aha mid inoo saamaxaysa inaan ka hadalo qodobkan.Taas badalkeeda, waxay taarikhda itoobiya wax badan ka sheegaysaa qodobka 17aad iyo dagaalkii Adwa ee ka dhashay qodobkan. Doodda ah in madawgu markii ugu horraysay uu ka adkaaday caddaanka ayaa iyaduna muran badan dhalisay. Maxaayeelay, haddan eegno dalkeena ciidanka Raas Caluula waxay hadda ka hor ay ciidanka Talyaaniga kaga adkaaden oy ku jabiyeen Dogoali. Taasna waxa makhraati inooga ah Taalada ay Talyaanigu Rooma uga dhiseen Shuhadadoodi ku dhimatay Dogoali. In kasta oo Carabtii Masar ayna caddaan ahayn ama ayna waxyeelo badan u geysanaynin itoobiya sida kuwa caddaanka ah, haddana boqorkii Yohanis wuxuu si wayn uga adkaaday carabtii masaarida ee ku soo duushay Guraceena iyo Gundat.

      Haddii dagaalladii Guraceena iyo Gundat ay masaaridu ku guuleysan lahayd; waxay naga dhigi lahaayeen kuwo aan macno siyaasadeed oo wayn ku fadhiyin sida ay masiixiyiinta Coptic -ga Masar uga dhigeen oo kale. Kiiskani sidoo kale waa ka suudaan. Arrinta kale waxay tahay taariikhda Itoobiyaa in ayna noo sheegin heshiisyadii Faresmay iyo Addis Ababa in la saxiixay dagaalkii Adowa kadib. Qaybo ka mid ah dhul aan iyaga lagu siinin heshiiskii hore, intooda badan dhulka gobolka Akeleguzay, ilaa Balsa Muna iyo Webiga Mereb, ayaa heshiisyadaas lagu siiyey Talyaaniga.

      Hadalka isburinaya ee qoraagu waa hadalka ku saabsan taallada boqor minilikh ayaa sidoo kale waxaa la xidhiidhaya dhaxalkii boqorka ee nidaamkisi qaran dhiska. Sida ay qaar rabaan in Minilikh II u sawiraan inuu aha aabbihii aasaasay Itoobiyada cusub, ayay dadka qaarkoodna u arkaan inuu aha duullaan, xasuuq iyo gumeysite aha. Sidaa darteed, sida uu Jawar Maxamad yidhi, waa inaan ama gebi ahaan ka tanaasulnaa ama helnaa waddo aan isku waafajinno labada fikradood.

      Waxaa kalo dheer, waxaa jira wax yaabo badan oo ku saabsan geesiyayaasheena oon la isku raacsanayn. Tusaale ahaan, qaar ayaa ku tilmaamaya Ras Gobena Dachi inuu yahay geesi, halka aqoonyahannada Oromadu ay ku tilmaamaan in uu Minilikh ahaa gumayste Banda ama khaa’inul waddan. Halka Aqoonyahanada Oromada ayaa iyaguna general Tadasa Birru iyo Waqo Gutu oo ka soo horjeeday Ras Gobena Dachi u arka geesiyeyaal. Inkasta oo dergigi uu isku dayay inuu kor uqaado xusida geesiyeyaal ay ka mid yihiin Tewdros, Ras calula oo Tigre aha, Balay Zeleqa oo kasoo jeeday Goojam, Cabdisa Aga oo kasoo jeeday qowmiyada Oromoda, Dejazmach Omar Samatar oo Soomaali aha iyo kuwo kaleba waxa uu ku qoray buugaag, riwaayado, gabayo, iyo sheekooyinba in ay yihiin geesiyeyaal taariikhiya. Haseyeeshe laakiin dergigu wuxuu soo caanbixiyay Dejazmach Belay Zeleke, isago ku daahaya waddaninimadii Boqor Teklehaymanot ee guushii Adwa.

      Guud ahaan, dhibaatooyinkan muuqda ee dalkeenu waxay lamid yihiin dhibaatoyinka uu abwaanka caanka ah ee la dhaho Beiwqetu Siyuum uu gabaygiisa la magacbaxay “Buulashi aan wax dagani jirin”:

      Awoowayaashen
      Bar madhan bay baadhi jireen
      Aqoontooda
      Cimrigooda
      Ilaaliyeen
      Xiligoodi waxay galiyeen samaynta buulka
      Wayna ku gabooben.
      Aabbayaal
      Cimrigoodi oo dhani wuxu kaga tagay yaraynta buulki
      Caruur
      Iyagoon rabin inay dhaxlaan buulka
      Ayaa waxay dheheen
      Hoygii aabboyaasheen
      Buulkii Awoowyaheen
      Ha noqdaan Onne aan waxba kujirin
      Inta Jooganaga ah
      Inta itaalkanaga ah

      Haddaba, su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay maxaa xal noqon kara? Kow, waa in la saxo nidamka dhismaha qaranka ee khaldan. Si dhibaatooyinka noocan ah loo xaliyo, boqol iyo kontonkii sano ee lasoo waana cadaadiyey dawyawga leh iyadoo laga eegayo dhanka siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka, luuqada, si ay u heleen sinaan iyo barwaaqayn, iyo waliba bulshooyinka raba inay iyagu si iskood ah isku maamulaan, waxaa loo baahanyahay in loo sameeyo, ayna heleen ismaamulo iyaga u gaar ah oo madaxbaanan iyo dhismo nidaam dawladeed ay raacan (State Building).

      Itoobiya iyada oo ay tahay dal qoomiyado iyo shucuubo kala duwan leh, marka laga hadloyao dhismaha nidaam dawladeed , dhismaha qaran (nation building) waxaakaga haboon dhisida dawladeed (state building). Waxaa la samayn karaa nidaamka dhisida nidaam dawladeed iyadoo la kaashanayo ogolaanshah, iyo taagerida shacabka.

      Marka labaad nidaam dawladeed, luuqado, dhanqan iyo dhaaqale oo itoobiya lawada leeyahay iyo isku xidhnaan dhaqaale, iyo walibada nidaam dawli iyo isfahan taariikheed oo lawada leeyahay dhisidiisa ayaaa la inooga baahan yahay. Dhinaca adeega dawliga luuqadaha laga hadlayo, goobaha waxbarasho, warbaahinta luuqada mideeya iyo raacinta qorsho guud in loo sameeyo ayaa iyada muuhima oo loo bahanyahay. Raruhuma madaalada, meelaha tiyaatarad, meelaha kala duwan ee loogu soo bandhhigo shaqooyin iyo luuqadaha kala duwan in aydawladu keento nidaam ay dawliyo oo ay goobahaasi ku noqdaan xarumo muujinaya kaladuwanaanshaha bulshooyinkeena ayaa iyaduna muhiim ah.

Viewing 0 reply threads
Reply To: Maku hammiga xad-dhaafka ah ee Taariikhda mise Dhisme Qaran oo Qallooca?
Your information: