Yaa Iska le Itoobiya?

Home Forums Madasha Dhalinyarada Yaa Iska le Itoobiya?

  • This topic is empty.
Viewing 0 reply threads
  • Author
    Posts
    • #3457 Reply

      Qore: Bitsiet Alemu

      Marka laga hadlayo xasaasiyad siyaasadeedka Itoobiya ka jirta wakhti xaadirkan, cidna iskama indhatiri karto dhaqdhaqaaqi kacaanka ardaydi reer itoobiya (ESM) ee 1960ki, maadaamu aha mid dhaqan siyaasadeedki wacyi ee bulshada isbaddel ku keenay. Kacanki ardayda reer Itoobiya (ESM) waxa loo tixgeliyaa inay muhiim u ahaayen ibaddelki kala guurka taariikhda Itoobiyada casriga ah, gaar ahaan kacaanki dhaqdhaqaaqa ardaydu waxay si cad u dalbanayeen su’aasha dhalashada, sinnaanta diimaha iyo xuquuqda dhulka oo muddo dheer loo arki jiray in ay dambi tahay islamarkaana iyadoo laga dhigay mawduuc uusan dadweynahu ka hadli Karin.

      Ururka Isbahaysiga ee Dimuqraadiga ee shacabka Itoobiya (EPRDF) oo majaraha la wareegay 1991, ka dib marki uu afgembiyey taliskii dergiga, hasayeshe waxaa la rumeysan yahay in ay (EPRDF) qaadanayso dhaxalka dhaqdhaqaaqi ardayda reer itooiya (ESM) islamarkaana si ay xal ugu hesho dibu-heshiisiinta dhinacyadii ku dhaqdhaqaaqayay qabiil/qoomiyad ahaan muddadi uu socday dagaalkii sokeeye ee Itoobiya (1974-1991).  Sidaas awgeed, Isbahaysigi EPRDF waxay soo bandhigeen oy seeskana u dhigeen hanaanka maamulka nidaamka Jamhuuriyada federalismiga ee qowmiga ku dhisan, iyada oo loo arkaayay in uu yahay hab lagu qaabili karo qowmiyadaha kala duwan ey ka kooban tahay Itoobiyada casriga ah; taa soo keentay Ictiraaf aqoonsi iyo aayo ka tashi islamarkaana si ay u noqoto udub-dhexaadka siyaasad nololeedka Itoobiya. Iyada oo la adeegsanayo nidaamkan federaalismiga qowmiga, waxay xukuumadu isku dayday in ay wax ka qabato kala duwanaanshaha qowmiyadaha. Haseyeeshe, ugu dambaynti, waxay noqotay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee Itoobiyaa u horseeday in ay gasho xaalad qowmiyaddu ay noqotay seefta isku-dhac siyaasaddeed abuuraysa kicinta su’aasha muwaadinimada, halka jawaabuhu ay ugu qotomaan loolanka qoto-dheer ee siyaasadda iyo qaab-dhismeedka dhaqan-dhaqaale ee dawladda.

      Muddooyinkan dambe waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan nidaamka ugu wanaagsan ee loo maareeyo kala duwanaanshaha ayaa waxaa ka soo yeedhay dawladda Itoobiya laba jiho oo iska soo horjeeda. Dhanka kale, waxa jira dad u doodaya aayo ka tashi iyo ictiraaf aqoonsi si loo habeeyo kala-duwanaanta. Dhinaca kale, waxa jira kuwo kale oo kufikiraya fikradda midnimo iyo in ay tahay daawada kaliya ee xaalada madaxanuunka leh ee hadda dalka ka jirta, taas ooy tahay sababtuna kala-qaybsanaanta lagu abuuray siyaasad-dejinta ee qowmiyadda.  Dooddan casriga ah waxaa saamayn ku yeeshay tabarucyadii taariikheed ee laba qof oo caan ka ahaa ESM 1960nadii, oo la kala odhan jiray; Wallelign Mekonen iyo Ibsa Gutema, oo isku dayay in ay ka fikiraan humaaga ah Yaa Itoobiya iska le?  Iyo yaa Itoobiyaan ah?

      Walaliny Makonin wuxuu 1969 daabacay maqaal, kaasoo sakxadda siyaasadda keenay su’aasha ku saabsan quruumaha (nationality) isaga oo ka dhawaajiyay arrimaha bulshada ee dhanka sinnaanta iyo caddaaladda qotada dheer ku leh. Wuxuuna meesha ka saaray wax uu ugu magac daray “Qarannimadda been abuurka ah ee Itoobiya” taa soo loo arko in ay tahay mid la fal-gasha nidaamk ka-soocista iyo isugeynta. Kaasoo, ah “hab-dhaqanki abbysinia” ay u soo isticmaali jirtay ka hortaga dhaqamada kala-geddisan ee dalka ka jiray, islamarkaana aha kuwo aan meel oga bannaanayn sagxadda dsiyasaddeed oo loo diiday.

      Sido kale, wuxuu ku baaqayaa dhisida qaranimo dhab ah, iyada oo loo marayo kacaan salka ku haya qalalaase, taas oo looga go’leeyahay iskudayga in la dhiso dowlad dhexdhexaad ah. Sida uu kaga dhawaajiyay Waalaliny “Kacaanku wuxu leeyahay hal ujjeedo oo kama dambaysa, waa xorriyada Itoobiya, iyadoo la eegaayo madaxbannaanida dhaqanka iyo dhaqaalaha ee quruumaha dhammaantod.” Tani waxay saldhig u noqotay xoogaggi waddaniyiinti itoobiyaa ee marki dambe xooga kula wareegay wixii ka dambeeyay muuqaal siyaasaddeedki 1991.

      Wuxuu xoogga saaray Waalaliny raadinta aqoonsiga quruumaha kala duwan ee Itoobiya, Islamarkaana wuxuu aad u dhaliilay arrinta. Wuxuu ka soo horjeeday dhaqdhaqaaqyadi sida gaarka ah ugu halgamayay agendayaashooda gaar ahaaned. Taa cagsigeed, Waalaliny wuxuu doonayay aragtida caalamiga ah ee ku aaddan taageeridda halganka deegaanada kale iyo isu keenidda dowlad-goboleed dhab ah ooy Itoobiyaa leedahay.

      Si kastaba ha ahaatee, dhaliilihisu waxay ahaayeen fikrada uu aaminsana oo ahaa sida keliya ee suurtogalka ah ee lagu dhisi karo dowlad dhab ah in uu yahay Kacaan iyo halgan rabshado hubaysan watta. Halkan, Waalaliny wuxuu hilmaamay arrimihii uu kadhawaajiyay isaga laftiisu ee qotoda-dheer ku leh taariikh siyaasaddeedka dalka iyo in ay jiraan su’aalo badan oo marka hore laga jawaabayo si dadka guud ahan loogu jiheeyo ajendaha iyo mabaadi’da guud.

      Qofka kale ee caanka ah Kacaanki dhaqdhaqaaqi ardaydi itoopiya (ESM) wuxuu ahaa Ibssa Gutema oo qoray gabay xog-waran siyaasaddeed ah, kaasoo caqabad ku ah xaaladda hadda jirta. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa su’aasha muhiimka ah ee “Waa kuma Itoobiyaanku?” Sidaas awgeed gabay ahaantisa waxa uu taabanaya sido kalena wuxu bidhaaminayaa su’aasha xag-jirnimada qaranka. Muuqal ahan Ibsa wuxuu xoojinayaa oo u ujanjeedha dhanka qowmiyadda iyo sidoo kale yeelashada dabaqadda ee ka soo horjeeda “Aqoonsiga Itoobiya”. Wuxuu ka walaacsanaa saamaynta ka dhalan karta siyaasad-dajinta dabaqadda iyo quruumaha taas oo abuuraysa kalaqaybsanaan inoo horseedaysa humaag sawir midnimo oo wayn iyo arrinka ku saabsan quruumaha (dhalashada) Itoobiya.

      Ibsa wuxuu ka welwelsanyahay arrinta ku saabsan masiirka Itoobiya, haddii ay sii korodho kala qaybsanaantu, islamarkaana wuxuu la yaaban yahay oo uu isweydiiyay Qofku yahay toobiyaanku? Wuxuuna Gabaygiisa isku weydiinayaa;

      “II sheega, kuwa caqliga lohow

      Su’aasha ah yaa itoobiyaan ah?”

      Farriinta uu doonayo in uu wax inaga ogaysiiyo ayaa ah, haddii aan dhammaanteen isu kala qoqobno kooxo kala duwan inagoo ku salaynayna tixraacna kadhiganayna astaamaha aqoonsiga, Yaa leh Itoobiyada aan ka hadlayno? Wuxuu dhaleeceynayaa dabeecadda iyo ujeedada dadku ay ku qarinayaan qolalka hoyga ama qowmiyadda. Ibssa waxa u baadigoobaya xal iyadoo maanka lagu hayo in aan dhammaanteen ku dhalanay Itoobiya marka la abaabulayo dabaqadda iyo qarannimada qowmiyadeed ee lidka ku ah lahaanshaha dawladnimada.

      Haddaba, Waalaliny iyo Ibsa waxay keeneen labaduba doodo ku saabsan goobta iyagoo si qoto-dheer uu baadhaya nolosha dhaqan-dhaqaale iyo waliba siyaasaddeed nololeedka ummadda itoobiya. Haseyeeshe, weydiimahoodi aas-aasiga ah weli lama soo hadal qaadin, taas ooy sababtay in ay sii ahaadaan ilaha ay isku haystaan ​​xooggaga siyaasaddeed ee loolanka iskula jiray. Waxaa cadd in hadda aan mashraxa ku hayno laba doodood oo waaweyn; mida koowadi waa dooda la xidhiidha aqoonsiga/quruumaha iyo kala duwanaanshaha oo aan weli wax laga qaban muddada qarniyada ah, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay abaabul ku saleysan dhalashada qowmiyadeed si loo helo ictiraaf aqoonsi iyo is-maamul.

      Baabka kale wuxu yahay mid la xidhiidha arrimaha midnimada iyadoo la iska horkeenayo dhaq-dhaqaaqyada qowmiyadda islamarkaana la soo bandhigayo in la burburiyo nidaamka federaalismi ee qowmiga ah, kaas oo hay’ad ahaan ugu baaqaya qowmiyadeed kala duwan midnimo salka ku haysa “qarannimada Itoobiya”. Tartanka u dhexeeya kooxaha ka tegaya ayaa waxay nagu kalifaysa in aan dib u bilowno su’aalaha iyo arrimaha ku saabsan Waalaliny iyo Ibsa. Balse laakiin markan waxaan ku dari doonna sidii uu sameeyay taliskii EPRDF intii uu raadinayay jawaabaha saxda ah, balse uu qalad fahmay su’aalaha.

      Maqaalka Waalaliny wuxuu muhiim u yahay wax ka qabashada arrinta ictiraafka ama aqoonsiga, caddaaladda iyo sinnaanta. Xalna uma heli karno qaxarka iyo fowdada hadda taagan haddii aan sii wadno inkiraada kala duwanaanshaheena in Itoobiya ay tahay dowlad ka kooban qowmiyaddo badan.  Haddii aan taas aqbalno mooyaane, horay loo socon maayo maxaa yeelay Taariikhiyan markan hadlo Ictiraaf/aqoonsi suurogal ma aha in qowmiyadaha kala duwan ee caloolxumida lagu hoggaaminayo islamarkaana cabashooyinka sheegashada magdhawga waxyeeloyinki horay u dhacay.  Haddii aynaan wax ka qaban su’aalasha la xidhiidha arrinta ictiraafka oo saamayn weyn ku leh midnimada, kala qoqobnaantuna way sii kordhaysaa uun sido kale iska hor imaadka iyo isku dhacuna wuu sii soconaya. Sidaa darteed, waxaa lagama maarman ah inaan aqbalno kala duwanaanshaha, asbaabihi caddaalad darradii hore ee ka soo horjeedda aqoonsiga iyo baahida loo qabo in la helo xal aasaasi u ah jiritaanka dawladda iyadoo la is kaalmeynayo.

      Maanta, asbaabta aqoonsiga qowmiyadeed ayaa la siyaasadeeyay ilaa heer ay ka soo horjeedo qarannimada ay gaadhay meesha ugu sarreysa oo ay ka muuqato siyaasadda awoodda, militariga iyo xagjirnimada. Baahinta kooxaha hubaysan oo ay weheliyaan sheekooyinka caddaalad -darrada ee taariikhiga ahi waxay horseedaan dulqaad la’aan iyo kor u qaadidda khilaafka u dhexeeya kooxaha qowmiyadaha iyagoo abuuraya annaaniyada ah “annaga” iyo “iyaga” oo midba midka kale ka saaraya gobolka uu xubinku uu u arko, inay iyagu iska leeyihin. Markaa su’aasha dhulku waxay noqotaa mid udub-dhexaad ah, nasiibdarro jawaab umaanan helin su’aasha ah cidda iska leh?.

      Geedisocodka dhismaha dawlad goboleedka casriga ah ayaa ah kan qaabeeyey khariirada hadda ee Itoobiya halkaas oo kooxaha kala duwan ee qowmiyadaha itoobiya loogu talagalay inay si wada jir ah ugu wada noolaadaan. Syaasadda caalamka oo ah halka ugu taamsan uguna xoogga badan ay ka ambaqaado xoojinta midnimada si loo dhiso hal dowlad oo xoog leh ayaa ka wanaagsan in loo kala baxo dowlado yar yar. sidaas darteed, inta aan iska diidi lahayn fikradda Itoobiya, bal aan isku dayno in aan dib ugu celinno meeshii ay horay u ahayd, Hawsheenu waa inay noqtaa hawl loo dhan yahay iyada oo loo marayo hab gudaha ah oo ku lug leh shaqaalaynta aqoonta asaliga ah, caadooyinka, iyo dhammaan dhaqamada kooxaha bulshada.

      Maanta halka ay adduunyadu keentay in adduunkoo dhan halmeela, waa wax aad loola yaabo in aan loo dabbaaldegin kala duwanaanshaheena oo aan loo adeegsan khariirada khasnado, halkaas oo tilmaamaha lagu qoro meel walba.

      Sida korka lagu xusay, si loo ilaaliyo midnimada caadiga ah ee kala duwanaanshaha noocaas ah, waa inay jirtaa mabda ‘xukuma oo awood u leh inuu helo oggolaanshaha kooxaha qowmiyadaha kala duwan ee qaranka. Su’aashu waxay tahay mabaadii’da noocee ah ayaa loo adeegsan karaa si aan wadajir ahan ugu midowno meel aan u aragno inay tahay baad-qab.  Qowmiyad kasta waxay leedahay mabaadi’da dimoqraadiyadda oo cida katirsani ay ku qanceen islamarkaana ku baaqaan in la aqoonsado.  Haddii aan fahanno baadigoobka ictiraafka, kuma koobna oo keliya aqoonsiga dabeecadda hab-dhaqanka ee waxay ku saabsan tahay helidda aqoonsi ku aaddan hab-dhaqameedka habboon ee dimoqraadiga ah, nasiib wanaag taasi waxay la socotaa dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kale.

      Aas-aasidda hay’ado adag oo majac ah oo loogu talo galay barashada takhasuska taariikhda, dhaqammada la xidhiidha hidhaha, mabaadi’da dimoqraadiyadda wadaniga ah iyo xidiginta, aad bay muhiim u tahay maxaa yeelay haddii aannaan garanayn dadkeenna, xalka aan sameyno, wuxuu noqon lahaa mid la soo rogay.

      Markaa, hay’aduhu waxay faa’iido u yeelanaya in ay la yimaadaan mabaad’da dimuqraadi ah oo midaysan, kaas oo dhammaantood diyaar u yihiin inay u hoggaansamaan. sidoo kale siyaasadaha qaranka waxay qaabayn doonan fikradda lagu dhisayo dawlad dhexdhexaad ah, sida tii Waalaliny uu shaagay oo kale, “dawlad-qaran oo dhab ah  kaas oo dhammaan qoomiyaduhu si siman uga qaybgalaan arrimaha dawladda ” Iyada oo loo marayo xarrumaha asaliga ah.

      Labadaba aas-aaska qowmiyad-xagjirnimada ah (taaso diidaysa in la aqbalo kuwa kale) iyo jaceylka xad dhaafka ah ee fikirka ah “Ethiopiawinet” (taas oo dayacaysa aqoonsiga kala-duwanaanshaha), ayaa ah mid aad u burburinaysaa islamarkaana mas’uul ka ah qalalaasaha iyo fowdada hadda jirta, sidaa darteed muhiimadu waa in aan ula falgalo si taxadar leh waxa aan soo bandhigayno een samaynayno, maadaama ay arrintu aad u xasaasi tahay una baahan tahay in si qoto dheer loo fahmo taariikhda siyaasaddeed ee Itoobiya. Inta badan su’aalaha ay soo bandhigaan kooxo kala duwan ayaa waxaa ka dhasha fikradda sinnaanta, caddaaladda, aqoonsiga oo ay ugu muhiimsan tahay arrinta dhulka oo aan weli jawaabteeda la helin, taas oo uu ku xidhan yahay jiritaan keenna dowladnimo.

      Haddii aan doonayno inaan wax u caddaynno jiilka soo socda, waa in jawaab ay lahaataa su’aasha Ibssa, “Yaa leh Itoobiyada aynu ka hadlaynaa?” Iyo “yaa iska leh Itoobiya?” Ka sokow, waa inaan xusuusannaa garaadkii Waalaliny, kaasoo xusay baahida loo qabo halganka ah dadku inay ugu noolaadaan mabaadi’da macquulka ah (yacni aqoonsi iyo caddaalad) halgankana maahan mid obol gaar ah ee waa in dhammaan gobolladu ay dhisaan dawlad dhab ah oo Itoobiyaan ah (Ani ahan waxaan doorbiday in loogu yeedho dawladda Itoobiya ee caadiga ah), halkaas oo dhammaantood ay oggolaaddan inay ku wada noolaadaan rabitaankooda si loogu maamulo mabaadi’da dimoqraadiyadda ee la isku raacsan yahay, maxaa yeelay mabaadi’du waxay ka sarraysaa deegaanka, gobolka iyo xitaa qaranka.

      Waxaan u baahanahay inaan la nimaadno hab dhab ah oo matala si aan u maamulno una maareyno kala duwanaanshaha aan leenahay. Nidaamkan ayaan ku maareyn karnaa abuurista xarrumo caadi ah oo aan dhammaanteen u qushuucno oo sheeganno lahaanshaheenna oo aan si kibir leh uga jawaabno su’aasha oo aan nidhaahno annagaa iska leh, maadamon ku heshiin doono fikradda ah “annaga” ka dib markii aan dhisno midnimada caadiga ah.

Viewing 0 reply threads
Reply To: Yaa Iska le Itoobiya?
Your information: